|
Sacabadu ma qariyaan" waa maanso aan kaga jawaabay maanso la yidhaahdo "sooree Hadraawi"waa tii keentay inay curato silsila siinlay. Waxaa tiriyay Osmaan sool oo abwaanka caanka ah Maxamed Ibraahim warsame Hadraawi qoonsaday ka dib markii uu abwaanku taageeray mudaharaad ka dhacay magaalada burco oo ku saabsanaa xadhigii salaadiinta ee ka dhacay hargeeysa.SACABADU MA QARIYAAN SUBAXDII CADCEEDA? Waa silsilada maansadii labaad. Waxay tidhi:
Sacabbadu ma qariyaan Subaxdii cadceedoo Buuraha salkoodana Sahal looma qaadee SOOLOW abwaankii Bulshada u sarreeyee Taariikhda suganiyo Sooyaalku qorayee
Hadba sagalka muuqdiyo Sida ay hadhoow noqon Saadaalin jirayee Sahanka u ahaan jiray Waadigan salooshee Dambi sabab la'aaneed U sudhaaya qoortee Bal siduu u eegyahay Anna aan sifeeyo
Safka faylasuufyada Inta ugu sarraysee Ugu siddata maantee La saluugin weeyaan. Dadku baadi-soociyo Sumad male xagiisoo Gidi waa u simanyiin Meeluu salli u yaal Ma siyaasadeeyoo
Sanqadhaad tilmaantiyo Xurgufaha sokeeyaha Nin ka soomay weeyaan Danyartiyo saboolkuu Saaxiib la yahayoo Nin sarreeye gaasiyo Laga dhigay sarkaaloo Samo laga filaayoo Waddadii saxnaydiyo Surinkii ka leexdoo
Inta uu sardheer koray Hadduu sooba degilaa Loo hayn sallaanoo Sigataye ma boodaa Naftu siisay dhawr jeer Nin u sacab tumaayoo Runta beenta siistoo La sumeeyo maahee Subaxday siloontee Adagyiin su'aaluu
Nin siraata weeyaan Sidigteena maandeeq Iyadoo sirgacantoo Soofdaran habowdoo Sebi deeqiwaydoo Saranseer abaareed Inta seeto lagu xidhay Saxar goosanwaydoo Hasha saamaheedaba Rag inay ka saaraan Sedex jeer mindiyihii Soofaha u mariyeen Isagaa ku selaloo
Saqdadhexe ku toosoo Hurdo seexan waayoo Suugaantu waa hube Siinlay ka tiryoo Iyadoo sarbeebuu Ninka saafi karayaa U degaa sirteedoo Murtiduu sameeyaa Sange weeye gaadhee Maan garanin soolow
Saldhigaad ka duushiyo Meeshaad ku socotoo Tixdu sooryadiisiyo Ma ahayn sedkiisoo Annaa xaal ka siiyee Saaxiib ogsoonow |